Ma dooneysaa inaad dheeli-tirto u shaqaysiga aduun iyo tan aakharo oo aad labadaba ku guuleysato, ma dooneysaa inaad ku noolaato nolol dheeli-tiran? ma doonaysaa inaad noqoto qof isku filan dhaqaala ahaan, aqoon iyo xirfado leh, maskax fiyoow oo xor ah leh

Islamic Balanced Life

Nolosha dheellitiran ee Islaamka ma aha mid keliya diiradda saarta cibaadada, mana aha mid ka go’an dunida iyo waaqica. Waa nolol uu Alle (swt) ugu talagalay bini’aadamka inuu ku gaaro farxad, badbaado, iyo guul – adduun iyo aakhiroba. Qur’aanku wuxuu si toos ah u tilmaamaa isku dheelitirka ruuxa, jirka, bulshada, iyo nolosha guud ahaan.

booqo bogaIslamic Balanced Life

Psychology

Cilmi-nafsigu waa furaha fahamka nafta, maskaxda, dabeecadda iyo xiriirka bulshada. Haddii aad rabto inaad kobciso caafimaadkaaga maskaxeed, hagaajiso xiriirradaada, fahanto sababta aad u fikirto ama u dhaqanto sidaas, psychology-ga ayaa kuu ah jidkaas.

booqo bogapsychology

Mental Health & Wellness

Noloshu waxay leedahay kor iyo hoos. Mararka qaar waxay maskaxdeennu dareemaysaa culays, daal, ama walaac. Halkan waa meesha aad ka heli doonto faham qoto dheer, talooyin wax-ku-ool ah, iyo dhiirrigelin togan oo kaa caawinaysa inaad la tacaasho caqabadaha nafsiga ah ee noloshaada.

booqo bogamental health

personal Growth

Kobaca shaqsigu waa geeddi-socodka qofka ku hanuuno garashada naftiisa, hagaajinta dabeecadihiisa, iyo horumarinta kartidiisa si uu u gaaro nolol tayo leh oo miro dhal ah. Waa safar ruuxi ah, nafsi ah, jidheed iyo cilmiyeed oo isku dhafan.

booqo bogapersonal growth

Health Tech

Dunida maanta, caafimaadku wuxuu wajahaa caqabado cusub, laakiin sidoo kale wuxuu helayaa fursado cusub oo ay horseedayaan hal-abuurnimada teknolojiyadda. Health Tech waa is-goysyada caafimaadka iyo teknolojiyadda — meel ay ku kulmaan daawaynta dadka iyo awoodda teknoolojiyadda casriga ah. Halkan, waxaan ku baahin doonaa xog, faham, xalal, iyo barnaamijyo wax ka beddelaya sida aan u fahamno daryeelka caafimaad.

booqo boga →Health Tech

madasha NafDhis

NafDhis waa madal isku xirta dadka raba inay ku noolaadaan nolol dheelitiran, kuna gaaraan isku filnaasho, horumar nafeed, maskaxeed, iyo mid nololeed – iyaga oo kashaqayn sidii Alle uu raalli uga noqon lahaa, isla markaana ka mid noqon doona dadka wax ka kusoo kordhiya adduunka.

Nagu soo biir oo naga faa’id adeegyadaan

hadii aad kusoo biirto madashaan waxaad la kulmaysaa asxaab isku riyo iyo isku ujeed aad tihiin, waxaad iska kaashan doontaan sidii aad Alle ku raali gelin lahaydeen, sidii aad hormar aduun iyo isku filnaasho u gaari lahaydeen, iyo sidii aad aqoon iyo xirfad u wada yeelan lahaydeen.

NOLOSHA DHEELI-TIRAN EE ISLAAMKA

PSYCHOLOGY

MENTAL HEALTH & WELLNESS

PERSONAL GROWTH

HEALTH TECHNOLOGY

tawbaro

Buugaag yar-yar

koorsooyin

Maqaalo iyo Maqaalo

Nagu soo biir

Kusoo biir channel-keena Telegram-ka ee Madasha NafDhis

Kuma Ayaa Nahay

Shabakadda Dr. Ibrahim Suuley waa goob dijitaal ah oo lagu mideeyay cilmiga diinta Islaamka, nafsiga (psychology), caafimaadka maskaxda & niyadda (mental health), caafimaadka casriga ah (health tech), iyo korriinka qofka (personal development). Waxaa loo aasaasay si loogu adeegayo bulsho doonaysa horumarka nolosheeda oo dhinac walba ah, iyada oo aan laga tagin qiyamka Islaamka ee saxda ah.

Waxaan u taaganahay isbeddel dhab ah oo laga dareemo nolosha: mid diini ah, mid maskaxeed, mid nafsaani ah iyo mid bulsho. Waxaan ka shaqaynaynaa in aan ku hagno si cilmi, xikmad iyo aragti isku dhafan leh – halkii aad is oran lahayd “Diintu waa hal meel, cilmiguna waa meel kale”, waxaan kuu muujinaynaa in guusha dhabta ah la helayo marka la mideeyo labadaas.

Ku soo dhawoow safar ay iftiinka aqoonta iyo nuurka hanuunku isku sidkan yihiin.

Dr. Ibrahim Suuley

Dhakhtar, Cilmi-baare, Macallin, iyo Hogaamiye Bulsho

Waxaan ahay Dr. Ibrahim Suuley – dhakhtar caafimaad (MBBS), cilmi-nafsiyaqaan ku takhasusay Islamic Psychology & Counseling, iyo aasaasaha barnaamijyo badan oo isugu jira daryeel nafsiyeed, waxbarasho, horumarin aqooneed, iyo hal-abuur tiknoolajiyad caafimaad (health innovation).

Waxaan u taaganahay kobcinta nolosha qofka Muslimka ah si buuxda: jirka, nafta, ruuxa iyo aqoonta. Khibradayda xirfadeed waxay ku fidsan tahay hawlo isugu jira adeegyo caafimaad, waxbarid online ah, hagid cilmiyeed iyo latalin nafsaani ah oo ku dhisan mabaadi’da Islaamka iyo cilmi casri ah oo la xaqiijiyay.

Waxaan aaminsanahay in qof walba uu leeyahay awood uu ku beddelo noloshiisa marka la siiyo taageero dhab ah, aragti sax ah, iyo hanuun sugan. Taasi waa sababta aan u dhisay shabakaddan – si aan u noqdo saaxiibka kugu garab istaaga safarkaaga dhinacyada caafimaadka, nolosha dheeli-tiran ee ku dhisan guul aduun iyo aakharo, iyo nafta.

“Waa lagu noolaan karaa nolol dheeli-tiran oo Islaami ah, cilmi ku dhisan, ku dhisan guul aduun iyo mid aakharo, naf ahaan degan, caqli ahaan xor ah oo iftiimaysa. ”

maqaalo faa’ido leh

Hadii aad xiiseynayso inaan Bil walba kuu soo dirno maqaaladeena, subscribe dheh.

Kusoo biir news letter-keena

Aqri blog-geena

la soco maqaalada aan isbuuc walba kusoo qorno qaybteena blog-ga.

Aqri blog →

CONTACT US

nala soo xiriir, hadii aad doonayso tafaasiir dheeraad ah.

info@dribrahimsuuley.com

maqaaladii ugu dambeeyay

  • personal growth

    personal growth

    Personal Growth

    “Koboca dhabta ah wuxuu ka bilaabmaa marka aad barato naftaada.”

    Ku soo dhawoow bogga Personal Growth – Halkaan waa halka aad naftaada dib ugu ogaaneyso, u kobcineyso, ugana dhiganeyso nooca ugu fiican ee aad noqon karto.
    Haddii aad jeceshahay inaad barato naftaada, ka gudubto caqabadaha maskaxeed, oo aad horumariso xirfadahaaga iyo xiriirkaaga Ilaahay, halkan waxaad ka heli doontaa hagid dhab ah.

    Maxaa Ka Dhigan “Personal Growth”?

    Personal growth waa geeddi-socodka is-beddelka wanaagsan ee gudaha ka bilowda. Waa marka aad si ula kac ah u doorato inaad:

    • Ka shaqeyso naf fahmidda
    • Kobciso akhlaaqdaada iyo dulqaadkaaga
    • Barato xirfado cusub ama kororsato aqoon
    • La xisaabtanto naftaada
    • U noolaato nolol leh hadaf iyo xikmad

    Waxyaabaha Aan Halkan Kula Wadaagi Doono

    • Is-faham & is-xilqaan (Self-awareness & discipline)
    • Qorsheynta nolosha (Goal setting & life design)
    • Ka gudbista niyad-jabka (Overcoming setbacks)
    • Koboca diimeed & ruuxi (Spiritual development)
    • Xiriirkaaga dadka & naftaada (Relationships & emotional intelligence)

    Yaan U Qorayaa?

    Qoraallada qeybtaan waxaa loogu talagalay:

    • Dhalinyarada raba inay isbeddel dhab ah sameeyaan
    • Dad niyad-jab kala kulmay nolosha ama la tacaalaya jahwareer
    • Qof walba oo doonaya nolol leh hadaf iyo xikmad

    Qaybaha Muhiimka ah ee Personal Growth-ka

    Nafta Baro (Know Yourself)

    Baro kartidaada, dareenkaaga, iyo waxa dhab ahaantii kaa farxinaya.

    Maskaxda Kobci (Grow Mentally)

    Akhri, baro, fikir, si aad u korto oo aad u balaadhiso aragtidaada.

    Ruuxda Dhowro (Spiritual Growth)

    Kobci xiriirkaaga Ilaahay – waa halka ay ku jirto nadiifnimada dhabta ah.

    Xiriirka Wanaaji (Improve Relationships)

    La xiriir dadka si xikmad iyo naxariis leh – faham & isku duubni abuuro.

    Nolosha Maaree (Design Your Life)

    Samee nolol leh hadaf, jadwal, iyo mabaadi’ kuu gaar ah.

    Sidee U Bilaabi Kartaa?

    • Akhri qoraallada toddobaadlaha ah
    • Isdiiwaangeli si aad u hesho newsletter-ka
    • Samee isbeddel yar maalin kasta
    • La soco kanaalada warbaahinta bulshada ee aan ku leenahay

    “Maxaan samayn karaa maanta si aan u noqdo qofka aan rabay inaan noqdo sannad ka hor?”

    Personal growth waa safar dheer – balse sharaf ayaa ku jirta inaad bilowdo.

  • Nolosha Dheeli-tiran ee Islaamka-Ruuxda, jirka iyo maskaxda

    Nolosha Dheeli-tiran ee Islaamka-Ruuxda, jirka iyo maskaxda

    Qofka Muslimka ahi ma aha kaliya ruux caabuda Alle, ee waa makhluuq dhisan oo leh ruux, jir, iyo maskax. Diinta Islaamku waxay muhiimad weyn siisaa dhismaha iyo daryeelka dhammaan sadexdaas dhinac. Islaamka dhabta ah waa nidaam nololeed dhameystiran oo u baahan in nolosheena laga miisaamo saddexdan tiir si aan u helno degenaansho, guul iyo badbaado labadaan adduun iyo aakhiro.

    1. Ruuxa: Xudunta Nolosha Miisaaman

    Ruuxdu waa saldhigga nolosha Muslimka. Waa meesha Alle laga xiriirayo, halka kalsoonida dhabta ah ka timaaddo, iyo meesha nafta laga nadiifiyo. Qur’aanka iyo Sunnadu waxay inoo tilmaameen:

    “Qofkii nadiifiya naftiisa (ruuxdiisa), wuu liibaanay, qofkii qaribayna wuu khasaaray.” (Surat Ash-Shams: 9–10)

    Ruuxda caafimaadka qabta waa mida lagu quudiyo:

    • Salaadda joogtada ah

    • Akhrinta iyo fahamka Qur’aanka

    • Xuska iyo towbad keenka

    • Samirka, shukriga, iyo tawakkulka

    Marka ruuxdu xooggan tahay, nolosha oo dhan ayaa iftiin iyo ujeeddo yeelata.

    2. Jirka: Ilaalinta Amanada Alle

    Jirkaaga waa amaanad uu kuu dhiibay Allah. Sida aan u tukanayno ama u soomayno, waa sidaas oo kale masuuliyad inaga saaran tahay:

    • Cunto caafimaad leh

    • Jimicsi joogto ah

    • Nadaafad iyo hurdo habboon

    • Ka fogaanshaha waxyaabaha waxyeelleeya sida mukhaadaraadka ama hab-fadhi badan

    Nabigu (ﷺ) wuxuu yiri:

    “Mu’minka xooggan (jir ahaan, ruux ahaan, iyo maskax ahaanba) wuxuu ka kheyr badan yahay mu’minka daciifka ah.” (Muslim)

    Rasuulkii Ilaahay ﷺ wuxuu kaloo yiri:

    “Rabbigaaga waxaa kugu leh xaq, naftaadana waxaa kugu leh xaq, ehelkaagana waxaa kugu leh xaq, ee sii mid walba xaqiisa.”

     

    Xadiiskan wuxuu xoojinayaa miisaanka nolosha Muslimka: xaqa Ilaahay, nafta, iyo ehelka.

    3. Maskaxda: Iftiinka Fahamka iyo Xallinta

    Maskaxda caafimaadka qabta waa hadiyadda Alle ee lagu kobciyo:

    • Fikir sugan iyo aragti furan

    • Barashada cilmiga diinta iyo adduunka

    • Fahan wanaagsan oo nafta, dadka iyo dhacdooyinka nolosha

    • Ka fogaanshaha walbahaarka, niyad-jabka, iyo fikirka xun

    Diinteena Islaamka wuxay dhiirrigelisay aqoonta iyo fahamka, ilaaheey wuxuu Qur’aanka ku bilaabay:

    “Iqra’!” (Akhri) – Suurat Al-ʻAlaq: 1

    Maanta, cilmiga nafsiga ah (psychology) wuxuu inoo cadeeyay sida fikirka togan (wanaagsan), qorsheynta nololeed iyo dejinta yoolal macno leh ay u dhisaan maskax caafimaad qabta.

    Gunaanad: Miisaanka Saddexda Tiir

    Nolosha Muslimka dhabta ah ma ahan mid keliya salaad ama akhris Qur’aan ah. Waa mid isku dheelli tiran:
    ✅ Ruux nadiif ah,
    ✅ Jir la daryeelay,
    ✅ Maskax furan oo caafimaad qabta.

    Shabakaddan “Shabakadda Umadda Nool” waxay u heellan tahay in ay kaa caawiso safarkaaga dhismaha noloshaas miisaaman. Waxaan isku xiraynaa:

    • Qiyamka Islaamka

    • Cilmiga casriga ah (psychology, health, productivity)

    • Kobaca shakhsiyadda

    • Tiknolojiyad

    Soo dhawoow, ha ka harin safarka iftiinka leh.

  • Waa maxay Cilmiga Nafsiga? Faham Asalka iyo Muhiimadda uu u Leeyahay Noloshaada

    Waa maxay Cilmiga Nafsiga? Faham Asalka iyo Muhiimadda uu u Leeyahay Noloshaada

    Hordhac:

    Inaad fahamto naftaada, sababaha ay u fikirto sida ay u fikirto, iyo sababaha ay u dhaqanto sida ay u dhaqanto — waa bilowga isbeddel dhab ah. Cilmiga nafsiga (psychology) wuxuu naga caawiyaa inaan aragno gudaha nafsaddeenna si qoto dheer, isagoo naga gacan siiya inaan si wanaagsan u fahanno dareenka, fikirka, iyo dabeecadda dadka kale.

    Qoraalkani waa hordhac u ah mowduucyo badan oo ay leedahay cilmiga nafsiga, wuxuuna gogol xaar u yahay barashada arrimo muhiim ah sida: dabeecadaha bini’aadamka, saameynta deegaanka iyo waaya-aragnimada, iyo sida Islaamku u taageerayo barashada iyo fahamka nafta.

    Cilmiga nafsigu waa daraasad cilmi ah oo ku saabsan maskaxda bini’aadamka, sida ay u fikirto, u dareento, iyo u dhaqanto. Waa isku dhaf u dhexeeya falsafad, cilmiga biology-ga, iyo cilmi-nafsiga dhaqaalaha bulshada. Waxa uu si qoto dheer u falanqeeyaa arrimaha maskaxda iyo nafta si loo fahmo sababaha ay dadka qaar ugu nool yihiin farxad, halka kuwo kalena la ildaran yihiin niyadjab, walbahaar ama niyad-xumo joogto ah.

    1. Fahamka naftaada iyo dadka kale: Waxaad baranaysaa waxa sababa falalkaaga iyo kuwa dadka kale—taasi waxay kuu horseedaysaa dulqaad, faham iyo xiriir bulsho oo wanaagsan.
    2. Xalinta dhibaatooyinka gudaha: Mararka qaar, dhibka nafsadeed ee aan la kulanno wuxuu ka yimaadaa wax aan si fiican u fahmin. Barashada psychology-ga waxay naga caawisaa in aan helno xididka dhibka.

    3. Horumarka Shakhsiyeed: Waxaad awood u yeelanaysaa inaad naftaada si cilmi ah u kormeerto, u qiimeyso, ugana shaqeyso is-beddel wanaagsan.

    4. Xoojinta xidhiidhka diinta iyo nafta: Islaamku wuxuu xoogga saarayaa in qalbiga iyo nafta la hagaajiyo. Psychology-da casriga ahna waxay noqon kartaa qalab kaa caawiya inaad si wanaagsan u fahanto fariinta Qur’aanka iyo Sunnaha ee la xiriirta isxisaabinta, sabirka, iyo tawakkulka.

    Psychology iyo Islaamka: Ma Isdiiddan Yihiin?

     Dadka qaar waxay u haystaan in psychology-gu uu yahay cilmiga reer galbeedka oo aysan diintu wax la wadaag ah laheyn. Taasi waa faham khaldan. Islaamku wuxuu xoogga saarayaa nafta (nafs), qalbiga (qalb), iyo maskaxda (caql). Waxaana jira tobanaan aayadood iyo xadiisyo ka hadlaya:

    • “Qad aflaha man zakkaha. Wa qad khaaba man dassaaha.” (Surat Ash-Shams 9–10)
      Turjumid: “Wuxuu guulaystay ruuxii daahiriya [naftiisa], wuxuuna khasaaray ruuxii dullaystay.”

    Sidaas darteed, psychology-ga casriga ah waxa uu noqon karaa qalab lagu xoojinayo waxyaabaha diinteenna xambaarsan tahay, haddii si fiican loo fahmo loona dabaqo.

    Gunaanad:

    Barashada psychology-ga waa furaha fahamka naftaada, la qabsiga cadaadiska nolosha, iyo sameynta xiriir wanaagsan oo diini iyo bulsho ah. Maqaalkani wuxuu kuu gogol xaari doonaa taxane maqaal ah oo ku saabsan faracyada psychology-ga, sida Islamic Psychology, Cognitive Behavioral Therapy, iyo waxyaabaha kale ee qiimaha leh.