Dr. Ibrahim Suuley
Dhakhtar, Macallin, Qoraa, Entrepreneur.
Waxaan ka shaqeeyaa fahamka nafta, maskaxda, iyo sida qofku u dhisan karo nolol dheelli-tiran oo ujeeddo leh — anigoo isku xiraya cilmi-nafsiga casriga ah, mental health & wellness, personal growth, iyo aragtida Islaamka. Waxaan aaminsanahay in dhibaatooyinka ugu waaweyn ee dadka maanta haysta aysan ahayn aqoon la’aan, balse ay yihiin jahawareer maskaxeed (mental overload), caadooyin khaldan, iyo nolol aan lahayn jihayn cad.
Dunida maanta, qofka waxaa lagu dhex riday xog aan kala sooc lahayn, talooyin is khilaafsan, iyo nolol degdeg ah oo ka fog feker qoto dheer. Taasi waxay keentay in dad badan ay dareemaan daal maskaxeed, walaac joogto ah, go’aan la’aan, iyo in ay ku socdaan nolol macnela’aan ah. Halkaas ayay ka bilaabatay xiisahayga ku saabsan mental clarity, fahamka dabeecadaha (habits), iyo sida maskaxda bini’aadamku u shaqeyso marka cadaadis iyo buuq lagu hayo.
Safarkayga ma ahayn mid ku dhisan hadal iyo aragti kaliya. Waxaan arkay dad aqoon badan leh balse aan ku dhaqmin, iyo dad diinteena Islaamka jecel balse ka go’an nolosha dhabta ah ee casriga. Taasi waxay igu dhalisay inaan qaato dariiq ku saleysan “Create While Learning” — baro, faham, kadibna isla markiiba dhaqan geli, tijaabi, oo sax.
Website-kan waxaan diiradda ku saarayaa dhowr tiir oo waaweyn: Cilmi-nafsiga iyo mental health & wellness – Fahamka maskaxda, shucuurta, dabeecadaha, iyo sida ay u saameeyaan go’aannadeenna, xiriirrada, iyo nolosha guud ahaan. Ma aha kaliya calaamado iyo xanuun, balse sidoo kale ka hortag, is-faham, iyo dhisid nafsadeed.
Nolosha dheelli-tiran – Isku dheelitirka diinta, shaqada, caafimaadka maskaxda, xiriirrada, iyo ujeedada nolosha. Waxaan ka fogahay aragtiyada ku dhisan “guul aduun oo kali ah” ama “go’doon buuxa” — labadaas midna ma dhisayaan naf caafimaad qabta.
Personal growth – Koboc dhab ah oo ku dhisan is-aqoonsi, mas’uuliyad qaadasho, iyo horumar tartiib ah. Ma rumaysni is-beddel degdeg ah ama motivation (xamaasad) kumeelgaar ah.
Mental clarity & habits – Sida loo yareeyo buuqa maskaxda, loo nadiifiyo fikirka, loona dhiso caadooyin yar-yar oo joogto ah kuwaas oo mustaqbalka keenaya is-beddel weyn.
Waxaan qoraalladayda, fikirradayda, iyo frameworks-kayga ku wadaagaa si la fahmi karo, la dhaqan gelin karo, kana fog hadal sare oo aan nolosha taaban. Inta badan waxa aad halkan ka heli doontaa waa wax aan anigu ku jirto, ku tijaabinayo, ama ka baranayo noloshayda iyo shaqadayda.
Website-kani ma aha mid loogu talagalay qof raadinaya wax degdeg ah, viral ah, ama talooyin fudud oo aan lahayn sal. Wuxaa loogu talagalay qof doonaya inuu si dhab ah u fahmo naftiisa, u habeeyo maskaxdiisa, una dhiso nolol leh jihayn, macne, iyo xasilooni.