Qofka Muslimka ahi ma aha kaliya ruux caabuda Alle, ee waa makhluuq dhisan oo leh ruux, jir, iyo maskax. Diinta Islaamku waxay muhiimad weyn siisaa dhismaha iyo daryeelka dhammaan sadexdaas dhinac. Islaamka dhabta ah waa nidaam nololeed dhameystiran oo u baahan in nolosheena laga miisaamo saddexdan tiir si aan u helno degenaansho, guul iyo badbaado labadaan adduun iyo aakhiro.
Ruuxdu waa saldhigga nolosha Muslimka. Waa meesha Alle laga xiriirayo, halka kalsoonida dhabta ah ka timaaddo, iyo meesha nafta laga nadiifiyo. Qur’aanka iyo Sunnadu waxay inoo tilmaameen:
“Qofkii nadiifiya naftiisa (ruuxdiisa), wuu liibaanay, qofkii qaribayna wuu khasaaray.” (Surat Ash-Shams: 9–10)
Ruuxda caafimaadka qabta waa mida lagu quudiyo:
Salaadda joogtada ah
Akhrinta iyo fahamka Qur’aanka
Xuska iyo towbad keenka
Samirka, shukriga, iyo tawakkulka
Marka ruuxdu xooggan tahay, nolosha oo dhan ayaa iftiin iyo ujeeddo yeelata.
Jirkaaga waa amaanad uu kuu dhiibay Allah. Sida aan u tukanayno ama u soomayno, waa sidaas oo kale masuuliyad inaga saaran tahay:
Cunto caafimaad leh
Jimicsi joogto ah
Nadaafad iyo hurdo habboon
Ka fogaanshaha waxyaabaha waxyeelleeya sida mukhaadaraadka ama hab-fadhi badan
Nabigu (ﷺ) wuxuu yiri:
“Mu’minka xooggan (jir ahaan, ruux ahaan, iyo maskax ahaanba) wuxuu ka kheyr badan yahay mu’minka daciifka ah.” (Muslim)
Rasuulkii Ilaahay ﷺ wuxuu kaloo yiri:
“Rabbigaaga waxaa kugu leh xaq, naftaadana waxaa kugu leh xaq, ehelkaagana waxaa kugu leh xaq, ee sii mid walba xaqiisa.”
Xadiiskan wuxuu xoojinayaa miisaanka nolosha Muslimka: xaqa Ilaahay, nafta, iyo ehelka.
Maskaxda caafimaadka qabta waa hadiyadda Alle ee lagu kobciyo:
Fikir sugan iyo aragti furan
Barashada cilmiga diinta iyo adduunka
Fahan wanaagsan oo nafta, dadka iyo dhacdooyinka nolosha
Ka fogaanshaha walbahaarka, niyad-jabka, iyo fikirka xun
Diinteena Islaamka wuxay dhiirrigelisay aqoonta iyo fahamka, ilaaheey wuxuu Qur’aanka ku bilaabay:
“Iqra’!” (Akhri) – Suurat Al-ʻAlaq: 1
Maanta, cilmiga nafsiga ah (psychology) wuxuu inoo cadeeyay sida fikirka togan (wanaagsan), qorsheynta nololeed iyo dejinta yoolal macno leh ay u dhisaan maskax caafimaad qabta.
Nolosha Muslimka dhabta ah ma ahan mid keliya salaad ama akhris Qur’aan ah. Waa mid isku dheelli tiran:
✅ Ruux nadiif ah,
✅ Jir la daryeelay,
✅ Maskax furan oo caafimaad qabta.
Shabakaddan “Shabakadda Umadda Nool” waxay u heellan tahay in ay kaa caawiso safarkaaga dhismaha noloshaas miisaaman. Waxaan isku xiraynaa:
Qiyamka Islaamka
Cilmiga casriga ah (psychology, health, productivity)
Kobaca shakhsiyadda
Soo dhawoow, ha ka harin safarka iftiinka leh.